Axad, Jan 24, 2021-Amaanka magaalada Muqdisho oo siweyn loo adkeeyay


 

Axad, Janaayo, 24  2021 (HOL) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay siweyn u adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan kaddib qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday.

Howlaglkan oo u muuqda mid qorsheysan ayeey ciidamadu ku baarayeen gaadiidka dadweynaha gaarka loo leeyahay, iyaga oo sidoo kalana su’aalo weydiiyay dadka ay ka shakiyaan.

Amaan darrada magalada Muqdisho ayaa imaneysa xili dhinaca kale dalku uu isku diyaarinayo doorasho guud oo heer Qaran ah, waxaana dhinaca kale jira eedeymo loo jeedinayo dowladda oo ah in ay ka gaabisay wax ka qabashada nabad-galyada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii lagu weeraray gaari ah la socdeen lagu dhaawacay labo xildhibaan oo hore halka sidoo kalana ay ku dhinteen afar ilaalo ah oo la soctay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    








Source link

Leave a Reply