Isniin, Jan 18, 2021-Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray xildhibaanadii xasaanada laga qaaday


1/18/2021

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021

Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray xildhibaanadii xasaanada laga qaaday

 
Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) – Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray in xasaanada looga qaado 8 xildhibaan oo katirsan barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo horaantii bishii December ee sanadkii hore xilka laga xayyuubiyay. Xafiiska difaacaha oo arrintan qoraal dheer kasoo saaray ayaa talo sharci kusoo jeediyay in golaha garsoorka iyo golaha xukuumada Puntland dib u eegis ku sameeyaan habraacii sharci ee loo maray dacwada siddeeda xidlhibaan.Wuxuu sheegay in go’aanka maxkamada aan lagu salayn qodobka 43-aad xarafkii B, oo tilmaamaya xaqa is-difaaca muwaadinka.




Click here

1/18/2021 12:27 AM EST

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) – Mas’uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran ah oo lagu qaadayo xoogagga Ururka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah dhulka uu maamulkan ka arimiyo.


1/18/2021 12:13 AM EST

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) – Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka diyaaradaha Moscow,


1/18/2021 12:09 AM EST

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) – Saraakiisha Militariga Mareykanka ayaa sheegay in labo cisho ka hor la dhameystiray ka bixista ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo ku beegneyd waqtigii kama danbeysta aheyd ee madaxweyne Donald Trump uu u qabtay





Source link

Leave a Reply