Axad, Jan 17, 2021-Al-shabaab oo war ka soo saaray weerar lala eegtay guddoomiyaha Shabeelaha hoose iyo saraakiil ciidan
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa war ka soo saartay weerar xoogan oo deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo saraakiil ciidan
Al-shabaab ayaa sheegay in kolonyada uu la socday guddoomiyaha sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ciidamada lagu magacaabo Bangaraafta ee uu tababaro Mareykanka.
Weerarkan oo ku bilaawday qarax miino ayeey sheegeen uu haleelay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay ku geeriyoodeen 4 Askari, halka sidoo kalana uu weerarkan ku dhaawacmay ayeey sheegeen taliyaha ciidanka Danab sarkaalka lagu magacaabo Cabdullaahi Beer Yare oo safarka ku wehlinayay guddoomiyaha.
Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha dhaawacmay uu ka mid yahay taliyaha guutada 6aad ee ciidamada dowladda Federaalka.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
1/17/2021 2:42 AM EST
Axad Janaayo, 17, 2021 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan deegaanka lagu magacaabo Tixsiile lagula eegtay gaadiid kolonyo ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii.
1/17/2021 12:22 AM EST
Axad, Janaayo, 17, 2021 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Xudur ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo waxgaradka qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Bakool
1/17/2021 12:13 AM EST
Axad, Janaayo, 17, 2021 (HOL) – Dadka deegaanka Husungow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii aynu soo dhaafnay maqlayeen dhawaqa madaafiic ka dhaceysa qoriga hoobiya oo lagu tuurayo xero ay degen yihiin ciidamada Kenya ay qeybta ka ah AMISOM.