Sabti, Jan 16, 2021-Maamulka gobolka Hiiraan oo digniin adag u diray ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya


1/16/2021

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2021

Maamulka gobolka Hiiraan oo digniin adag u diray ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 
Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya aay dhibaatooyin kala duwan ka geystaan deegaano ka tirsan gudaha gobolka Hiiraan.Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliska ay maalin walba dad shacab ah oo ku nool deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan aay iska xirtaan iyagoo aanan waxba galabsan taasina waa afduub afduubna kama yeeli doono ciidaamada Liyuu Booliska ayuu yiri guddoomiye Jeyte.“Indhaha kama qabsan doono dhibaatoyinka iyo tacadiga ciidanka Liyuu Boolis ee maalin walba dadka ka xir xiraayo gudaha Soomaaliya gar ahaan xududka Hiiraan, dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeeyso deegaanada Xudayweglle iyo Dareerta sifo sharci darro ah ayayna ku heestan mana jirto cid nagala hadashay arintaas oo nagala xajootay waxana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran oo dhalan karta” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulka Hiiraan uu ka jawaab celin doono dhibaatada ciidamada Liyuu Booliis aay ka wadaan xaduud beenaadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.




Click here

1/16/2021 3:17 AM EST

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – Diowladda Jabuuti ayaa cambaareysay weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ku yaala gobolka Tajura waxaana ay ku baaqday dib loo soo celiyo xasiloonida gobolka.


1/16/2021 12:08 AM EST

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u tababartay 113 askari oo ah dufcadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah guud ahaan 500 askari oo qeyb ka qaadandoona la dagaalka Alshabaab iyo xaqiijinta xasilloonida dalka.


1/16/2021 12:04 AM EST

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – labo sano ayaa kasoo wareegtay weerarkii Al-Shabaab ay weerartay hoteelka Dusit D2 ee bartamaha magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 22 qof.


1/16/2021 12:03 AM EST

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadda in saacadaha soo socda uu safar deg deg ah ugu anbabaxo degmada Xudur ee gobolka Bakool.





Source link

Leave a Reply