In ka badan 50% Waddooyinka Kenya waxaa gacanta ku haya Al-shabaab
Maalintii Isniinta ayay ahayd markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerareen bas ku sugnaa magaalada Mandheera isla markaana ay afduubeen seddex qof sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee dowladda Kenya.
Cali Roba waxa uu ku andacoonayaa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay marin ka dhigtaan kala bar wadooyinka gobolada, eedeymahaas oo ay beeniyeen saraakiisha amaanka ee Kenya.
“Aniga oo ah Gudoomiyaha Gobolka Mandheera, waxaan si cad oo awood leh u sheegayaa in in ka badan 50 boqolkiiba wadooyinka gobolada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha Mandheera.
Al-Shabaab ayaa weeraro ka geysanayey dalka Kenya muddo toban sano ah, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan howlgalka Midowga Afrika ee loo idmaday in ay difaacaan dowladda Soomaaliya.