Jimco, Jan 15, 2021-Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay deegaanno ka kala tirsan Galguduud iyo Mudug


Al-shabaab oo dagaal kula wareegtay deegaanno ka kala tirsan Galguduud iyo Mudug

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) – Wararka  laga helayo deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30km u jira degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal kooban oo xalay halkaa ka dhacay kula wareegeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa saldhig deegaanka iyo Barkootarool oo la dagaalamay Al-shabaab ayaa markii danbe looga itaal roonaaday, waxaana lagu soo waramyaa in goobta ay ku dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa ciidamadii la dagaalamay Al-shabaab halka labo kalana ay dhaawacmeen.

Dhinaca kale wararka ka imanaya deegaanka Tuulo Xoosh oo ka tirsan degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in isla xalay xoogagga Al-shabaab la wareegeen kaddib dagaal dhaxmaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Deeganka Wisil waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad gobolleedka Galmudug oo maamula deegaanadan la sheegay in ay la wareegeen Xarrakada Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   








Source link

Leave a Reply