Arbaco, Jan 13, 2021-Galmudug oo sheegtay in ay diyaarisay xaruntii lagu qaban lahaa doorashada Aqalka Sare


1/13/2021

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021

Galmudug oo sheegtay in ay diyaarisay xaruntii lagu qaban lahaa doorashada Aqalka Sare

 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhankooda ay u diyaargaroobeen qabashada doorashada, kaddib markii uu booqday xarun loo diyaariyay in lagu qabto doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Xarunta uu sidoo kale ah goob loo diyaariyay in ay deggeen guddiyada doorashada iyo dhamaan howlwadeennadooda ayaa la filayaa in la dajiyo xubnaha guddiga doorashada ee dhawaan taggaya degmada Dhuusa-Mareeb.

Galmudug ayaa ka mid ah maamulada isku diyaarinaya in ay qabtaan doorashada xildhibaannada Aqalka sare kaddib markii ay dhawaan sidaa ku ballameen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xusseen Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    




Click here

1/13/2021 1:07 AM EST

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) – Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Sudan ayeey dolwadda Itoobiya waxaa ay fariin digniin ah u dirtay dhigeeda dalka Sudan oo saacadihii ugu danbeeyay ciidamo soo dhoobtay dhulka ay isku hayaan Itoobiya.


1/13/2021 12:56 AM EST

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa 7 Askari oo Kenyaaan ah oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay Qarax miino kaddib markii la bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen Talaadadii shalay.





Source link

Leave a Reply