Sarkaal katirsan Al-shabaab iyo ciidamadiisa oo ku biiraya Daacish
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021

Ku biiritaankiisa Daacish ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan Daacish ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Labada koox ayaa dagaallo xooggan ku dhexmareen buuralayda gobolka Bari, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi oo kasoo abaabulaan weerarada ka dhan ah maamul goboleedka Puntland.
1/12/2021 2:40 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda xilli walaac laga muujinayo suurtagalnimada in la helo doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo xor iyo xalaal ah dabayaaqada toddobaadkan.
1/12/2021 1:04 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga soo horjeestay doorashada xildhibaannada Soomaaliland ku matala dowladda dhexe oo lagu waddo in doorashadoodu ku dhacdo gobolka Banaadir.
1/12/2021 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 12 2021 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay deegaanka lagu magacaabo Husungoow.