Axad, Jan 10, 2021-Diyaarado duqeyn ka geystay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Sida laga soo xigtay dadka deegaanka saacadihii ugu danbeeyay dagaal dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa lagu bartilmaameesaday deegaanka lagu magacaabo Raaso-Ugaas iyo tuulooyin hoosyimaada oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa la maqlay dhawaqa madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha oo gaarayay ilaa 7 gantaal, ilaa iyo haddana lama oga khasaraha ka dhashay duqeymahan oo argagax ku abuuray dadka deegaannada la bartilmaameesaday.
Duqeymaha diyaaradaha dagaalku ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi, hasse ahaatee waxaa duqeymahaasi la sheegaan in yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo xoogagga ururka Al-shabaab
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
1/10/2021 4:01 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ahaa in dadka tabashada ka qaba hannaanka doorashada uu kusoo celiyey jawaab tanaasul ku jiro oo ka timid madaxda dowladda federalka.
1/10/2021 3:40 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.
1/10/2021 3:04 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan millatariga Kenya ayaa la dilay tiro kalane waa la dhaawacay kadib markii gawaaridooda lala eegtay qarax meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
1/10/2021 1:03 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Kiiskaska cudurka Covid 19 ee qaarradda Africa ayaa u muuqda mid sare u sii kacaya iyadoo ilaa iyo hadda Tirada la xaqiijiyay ee COVID-19 ee qaaradda Afrika ayaa gaarayaan 2,986,564 ilaa galabnimadii Sabtida sida laga xigta xarunta Afrika ee xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa sidaas sheegtay.
1/10/2021 12:42 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Iyadoo dhawaantan Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu magacaabay guddi ku -meel-gaar ah oo sii waddi doona howlihii rugta Ganacisga iyo Warshadaha ayaa qoraal ka soo baxay guddigan KMG ee la magacaabay waxaa ay ku sheegeen in ay bilaabi doonaan howlaha loo idmaday.
1/10/2021 12:29 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Dagaal hor leh oo dhex marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen toddoba qof.
1/10/2021 12:12 AM EST
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud kana mid ah midowga musharixiinta dalka ayaa ayaa si adag uga jawaabay tallaabadii ay xukuumaddu ku go’aansatay in doorashada la qabanayo iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo.