Sabti, Jan 9 , 2021-Axmed Madoobe ” Madaxweyne Farmaajo sharaf dhac ayeey ku tahay in uu isku dhajiyo gobol gaar ah


1/9/2021

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021

Axmed Madoobe ” Madaxweyne Farmaajo sharaf dhac ayeey ku tahay in uu isku dhajiyo gobol gaar ah

 

Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) – Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa mar ku celiyay in xa laga gaaro arrimaha gobolka Gedo oo sida uu hadalka u dhiggay ah caqabada ugu weyn ee hortaagan qabsoomida doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in ay isaga ku xiran tahay arintan loogana baahan yahay in uu la yimaado maskax caafimaad qabta oo looga gudbi karo khilaafka ka taaggan doorashada.

Mar uu soo hadal qaaday faragalinta gobolka Gedo ayuu sheegay in madaxweynaha ay sharaf dhac ku tahay in uu is xijiyo gobol gaar ah taasoo hoos u dhigeysa ayuu yiri hoggaamintiisa.

Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay dhankooda in doorashadu mar walba waqtigeeda ku dhacdo oo aysan sii jiitamin laakiin taa badalkeeda ay muhiim tahay in gobolka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubbaland.

Khilaafka Doorashada ayaa ah mid salka ku haya Arrimaha gobolka Gedo iyo Guddiga doorashooyinka ay dowladda magacaawday  oo ay ka soo horjeesteen Midowga Musharixiinta iyo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   




Click here

1/9/2021 12:09 AM EST

Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) – Warar ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay uu ku daggay Ayax raxan raxan u socda beeraha degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.


1/9/2021 12:07 AM EST

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) – Shirkadda Twitter ka ayaa hawadda ka saartay gabi ahanba hoggii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaddib markii la ogdaaday in loo adeegsado erayo kicin ah ama aan u wanaagsaneyn amniga dalka.


1/9/2021 12:03 AM EST

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) -Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo xasaasi ah ku lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaa oo ka wadahadlay khilaafka Doorashada,





Source link

Leave a Reply