Khamiis, Jan 7 , 2021-Golaha Wasiirradda oo qaadacay ansixinta 12 safiir oo maanta magacyadooda la horgeeyay



Golaha Wasiirradda oo qaadacay ansixinta 12 safiir oo maanta magacyadooda la horgeeyay

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) –  Shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warar ka soo baxay shirka ayaa sheegaya in sababta loo qaadacay ansixinta safiiraddan oo la sheegin mid walba dalka loo magacaabay tahay dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo sheegay ku tilmaamay in habka magacaabista aan lagu saleyn saamiqeybsiga beelaha, islarmarkaana yihiin safiirro hal dhinac u badan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la sheegay in markii danbe uu dib u celiyay safiiradan madaama ay dood ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Warqada Wasaarrada Arrimaha Dibada iyo Magacyada Xubnaha Safiirradda ah ansixintooda laga hor yimid.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

 








Source link

Leave a Reply