Khamiis, Dec 31, 2020-Banaanbax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Baledweyne
Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo aay ku muujinayaan banaanbaxa waxaana ka mid ahaa erayada ku qornaa boorarka “waan kasoo horjeedna Hirshabeelle caburinta iyo xasuuqa maamulka Hirshabeelle u geysteen dadka shacabka ee reer Hiiraan, siidaaya Wariyaasha iyo dadka kale ee ururada bulshada rayidka ah”
Gabagabadii banaanbaxayaasha ayaa maanta hortagay xarunta looga arimiyo gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Xabsiga dhexe ee Baledweyne oo ah halka ay ku xiran yihiin mudo todobaad ah dad shacab ah oo gaaraya 7 ruux oo lagu eedeyay qalqal galinta amniga Baledweyne waxayna banaanbayaasha halkaasi ka dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo dadka xirxiran hadii kalana ay wadayaan banaanbaxyada ilaa laga sii daynayo.