Arbaco, Dec 30, 2020-Dowladda Itoobiya oo gacanta ku dhigtay gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) – Saraakiisha cidianka difaaca Qaranka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay helleen ama gacanta ku dhigeen gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle ee gobolka Ismaamulka Tigreyga.
Gantaalahan oo gaaraya ilaa 13 ayeey saraakiishu sheegeen in ay ahaayeen kuwa ridada dheer oo ay TPLF mar u adeegsatay gobollada Bahar Dar iyo gobolka Amxaaradda intii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.
”Waxaa sidoo kale aragnay saduuqyo laga isticmaalay gantaalo ilaa 7 xabo ah kuwaa oo loo maleynayo in ay u adeegsadeen dagaalladii dhawaantan ka dhacay gobolka” ayeey sheegeen saraakiishu.
Ciidamada Qaranka Itoobiya ayaa toddobaadyo ka hor la wareegay gacan ku heynta gobolka oo muddo dheer ay ka ariminayeen xoogagga TPLF ee ismaamulka Tigreyga.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
12/30/2020 1:01 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Cabsi kale oo hor leh ayuu ku abuurayaa dunida noocan cusub ee feyruska Corona oo calaamadihiisa lagu arkay qeybo ka mid ah caalamka.
12/30/2020 12:48 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa 7 qof ayaa ku dhinatay tiro kala oo ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dhul-gariir Talaadadi ka dhacay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.