Sabti, Dec 26, 2020-Booliiska magaalada Baledweyne oo xabsiga dhigay shaqsiyaad caan ka ah Baledweyne
Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baledweyne ayaa 24 saacadood ee ugu dambeysay howlgalo baaritaano guri guri ah ka sameynayay qaar ka mid ah xaafadaha Baledweyne kaasoo ay ku sheegeen Sarakiisha ciidamada in lagu xaqiijinaayo amaanka guud ee magaalada Baledweyne.
Howlagalada saacadaha badan qaatay ee ciidamada dowlada iyo AMISOM ka wadaan xaafadaha baledweyne ayaa sidoo kale la sheegaya in ujeedkiisu ugu weyn tahay sugitaanka aminga Baledweyne oo lagu wado in maalmaha soo socda ka qabsoonto doorashada Xildhibaanadda Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii dadka ku dhaqan Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya xariga loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.