Isniin, Dec 21, 2020-Nin toogasho lagu diley oo meydkiisa laga helay koonfurta magaalada Laascaanood

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) – Ciidanka booliska ayaa soo qabqabtay dad looga shakiyey in ay dileen nin meydkiisa laga helay garaash ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Falalka dilka ah ayaa si aad ah ugu soo badanaya magaalada Laascaanood oo mudo dheer amaan ahayd iyadoo mudo todobaad ah sadex fal oo laba ka mid ah dhimasho yihiin ayaa ka dhacay magaalada.
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey in kiisaska hore la hayo cidii falalkooda loo filaayey iyadoo sharciga la horgeyn doono.
Magaaladan oo sanadihii u danbeeyey samaynaysey horumar la taaban karo oo inta badan qurba joogtu lahayd laga cabsi qabaa in ay hakad geliso.