Sabti, Dec 12, 2020-Madaxweyne Laftagareen oo Wasiirro cusub magacaabay


 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) – Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa xilalka ka qaaday qaar ka mid ah xubnaha golihiisii wasiirrada oo isaga oo dhinaca kale magacaabay Wasiir cusub.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax in uu noqdo Wasiirka Dhalinyarrada iyo Cayaaraha.

Cali Maxamed Cali ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaarradda Dekedaha, halka Cumar Axmed Aadan uu noqonayo Wasiirka Dastuurka.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in sababta sidan isbadalkan loo sameeyay tahay dardargalinta howlaha golaha fulinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    








Source link

Leave a Reply