Khamiis, Dec 10, 2020-Dowladda oo war ka soo saartay ka ganacsiga maandooriyaha


 

Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin ka ganacsiga maandooriyaha oo sida ay sheegtay dabagal adag lagu sameyn doono dadka ka ganacsada iyo kuwa soo dajiya intaba.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxa’uud ayaa sheegay in digniin iyo fariin adag u dirayaan dadka caadeysatay ka ganacsiga maandooriyaha oo dhibaato ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in sharciga la marin doono dadka ganacsiga noocan ah ku lug leh, sidoo kalana lala wareegi doono doomaha loo adeegsado keenistooda.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka waxaa ku badanaya isticmaalka maandoorayaha gaar ahaan Qamriga oo ganacsi ah leysaga kala gudbiyo guud ahaan dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    








Source link

Leave a Reply