Axad, Dec 6 , 2020-Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka



Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

 

Axad, December, 06, 2020 (HOL)
-Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda
federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha
doorashada iyo fulinta doorkii dowladda federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa
heshiiskii ay gaareen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad
goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen golaha Shacabka iyo
Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay
sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan
oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay dowlad
goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo
dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad
goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo
fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda
xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan dowlad goboleedyada aan weli soo
dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu
baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo
hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u
soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo wuxuu xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii
laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi
doorasho oo xasilloon.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    








Source link

Leave a Reply