Isniin, Dec 4 , 2020-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne


12/4/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2020

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne

 

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) -Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay rabashada iyo xiisadaha colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xiisadan iyo khilaafka ka taaggan magaalada Beledweyne ay salka ku hayaan Dowladda oo dhagaha ka fureysatay rabitaankii bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo dalbanayay in dhismaha Hirshabeelle laga hormariyo dib-u-heshisiin.

Arrrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay dowladdu uga gon-leedahay in ay ku musuqmaasuqdo sida uu hadalka u dhiggay doorashada guud ee la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa imanaya xili maanta magaalada Beledweyne ay ka dhaceen iska horimaadyo iyo dibad-baxyo looga soo horjeeday dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      

 




Click here

12/4/2020 10:09 AM EST

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) – Madaxweynaha dowadda Kenya, Uhuru kenyatta ayaa dhaleeceeyay wadamada shisheeye oo uu ku eedeeyay isku day fara galin ka dhan ah arrimaheeda gudaha.


12/4/2020 5:43 AM EST

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) – Puntland ayaa ka digay duufaan cusub oo loogu magac daray “Burevi”, taasoo suurtagal ah in ay kusoo wajahantahay bad-Waynta Hinidiya ayna isku badali karto roobab xoogan oo kusoo beegan xeebaha puntland.


12/4/2020 2:30 AM EST

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) – Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka kusoo toosay dagaal u dhaxeyay ciidamada dowlada iyo kuwa uu hoggaamiyo Janaraal Xuud oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.


12/4/2020 12:12 AM EST

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladdihii dalka isaga danbeeyay ayaa sheegay in madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe u qalmin in uu noqdo hoggaamiye bulsho.





Source link

Leave a Reply