Talaado, Dec 1 , 2020-Wajigii labaad shir magaalada Muqdisho uga furmay midowga musharixiinta


12/1/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020

Wajigii labaad shir magaalada Muqdisho uga furmay midowga musharixiinta

 

Talaado,December, 01, 2020 (HOL) –  Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay Wajiggii labaad shir ay yeelanayaan midowgga musharixiinta doorashada 2020-21 oo dhawaan shir ugu soo dhamaaday Muqdisho ka soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 18 qodob.

Afhayeenka midowga musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan labaad uu noqonayo mid lagu gorfeynayo marxalada doorashada dalka iyo wixii ka soo baxay kulamo gaar gaar ah oo ay musharixiinta la yeesheen qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

”Shirkan labaad ee noo furmay waa mid aynu -dabalgal ku sameyneyo wixii ka qabsoomay qoddobadii aynu ka soo saarnay shirkii koowaad ee musharixiinta u soo dhamaaday, waxaana mar walba la hadalnaa madaxda dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, sidoo kale waxaa iska warqabnaa beesha caalamka oo aan ka wadalnaa sidii ay dalkani uga dhici laheyd doorasho xor ah oo xalaal” ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed 

Musharixiintan ayaa wali ka biyo diidan hannaanka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada oo ay ku tilmaameen in aysan aheyn mid dhaxdhaxaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    




Click here

12/1/2020 3:20 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland waxaa ka socda mudaharaad loogasoo horjeedo diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga kadib markii madaxweyne Deni uu shalay soo saaray wareegto lagu mannuucayo in lacagta shilin Soomaaliga lagu qaado canshuurka ilaha dakhliga.


12/1/2020 3:18 AM EST

Talaado,December, 01, 2020 (HOL) – 12 ka tirsan xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug maalintii shalay.


12/1/2020 1:42 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.


12/1/2020 1:39 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda waqooyiga dala Ethiopia ee u dhexeeya ciidamada qaranka Ethiopia iyo jabhadda TPLF ee Tigreega.


12/1/2020 12:05 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen Dr Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.


12/1/2020 12:02 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL)-Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.





Source link

Leave a Reply