Talaado, Dec 1 , 2020-Lacagtii hore ee Itoobiya oo maanta la joojiyay isticmaalkeeda


12/1/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020

Lacagtii hore ee Itoobiya oo maanta la joojiyay isticmaalkeeda

 
Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah. Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badalaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay ka badalan karto bangiga muddo 2 toddobaad gudahooda. Degaanka Soomaalida ayaa meelaha qaar laga soo sheegayaa bangiyada oo ku yar awgii in wali dadku haystaan lacagtii hore.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online




Click here

12/1/2020 1:39 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda waqooyiga dala Ethiopia ee u dhexeeya ciidamada qaranka Ethiopia iyo jabhadda TPLF ee Tigreega.


12/1/2020 12:05 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen Dr Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.


12/1/2020 12:02 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL)-Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.





Source link

Leave a Reply