Talaado, Dec 1 , 2020-Dhaqtar xalay lagu dilay magaalada Kismaayo


Dhaqtar xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen Dr Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.

Lama oga cidda ay ka tirsanaayeen kooxdan  toogashada geysatay iyo sababta ay u dileen dhaqatarka intaba, hasse ahaatee durbadiiba goobta ayeey ka baxsadeen sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Halka uu dilku ka dhacay oo ah xaafadda Fiyo Afmadow ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland oo halkaa ka sameeyay baaritaan la xiriira dilka.

Kismaayo waxaa ku badan dilalka lagu bartilmaameedsado dadka bulshada magaca ku dhax leh oo ay dhaqaatiirta iyo ganacsatadu ka mid yihiin, iyadoo horay sidan oo kale gudaha magaalada loogu toogtay shaqsiyaad siweyn looga garanayay guud ahaan deegaannada Jubbaland.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    




12/1/2020 12:02 AM EST

Talaado, December, 01, 2020 (HOL)-Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.





Source link

Leave a Reply