Tartamada ENL iyo koobka FA ee maanta
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa 7 dhibcood ka horeysa kooxda ugu soo dhow ee hogaaminta horyaalka England Premiership.
Waxay xalay u awood sheegatay kooxda Tottenham.
Chelsea 4-0 ayay dirtay Tottenham oo cayaartoy laga saaray.
Kooxda West Brom waxaa iyadana sadex gool kaga badisay kooxda Man Utd.
Kooxda Cardiff 3 – 1 Fulham ayay uga adkaatay.
Crystal Palace ayaa gurigeeda 0 – 1 Southampton ay uga adkaatay.
Norwich iyo Stoke 1 – 1 ayay ku kala baxeen.
Maanta cayaaro FA CUP ah ayaa jiray:
Cayaarta dhex martay kooxaha Sheff Utd iyo Charlton, waxaa ku guulaysatay kooxda Shefield United oo dhalisay 2 gool halka Chartlon aysan waxba dhalin.
Kooxd Hull, waxay 3-0 uga badisay Sunderland.