Guuldarrada weyn ee Arsenal gaartay


Samuel E'to

Qoraalka sawirka,

Samuel Eto’o oo gool u dhaliyay Chelsea

Waxaa dhacay ciyaaro natiijadooda lala yaabay. Waxaa guulaystay kooxaha Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United. Waxaana guusha ugu weyn ku raaxeysatay Chelsea.

Waa la kala badin jiray laakiin goolasha galabta la kala dhaliyay inta badan lama kala dhaliyo. Waana kuwan natiijooyinkii oo dhan:

Newcastle 0_0 Crystal Palace

West Ham 0_2 Manchester United.

Waxaa khasaaraha ugu weyn la kulantay kooxda Arsenal oo rajadeedu ahayd inay soo gaarto Chelsea oo tartanka hoggaaminaysa hase ahaatee waxaa dusha loo saaray lix gool oo afar ka mid ah laga dhaliyay qaybtii koowaad ee ciyaarta.

Waxaa kaloo laga saaray hal ciyaartoy kaddib markii ay kooxdu kubbadda gacanta ku celisay hase ahaatee waxaa calaamadda guduudan loo taagay laacibka Gibbs halkii looga taagi lahaa Champerlain oo kubbadda gacanta uga leexiyay goosha.

Maanta waxay ku beegnayd ciyaartii 1000aad ee tababare Arsene Wenger uu maamulo kooxda Arsenal hase yeeshee niyad-jab ayay garoonka kala tageen isaga iyo taageerayaasha kooxduba. Arsenal waxay hadda hoos ugu soo dhacday kaalinta 4aad ee kala horreynta kooxaha.

Waxaa kaloo khasaaray saddexda kooxood ee ugu hooseeya tartanka horyaalka oo kala ah:

Sunderland Cardiff Fulham

kuwaas oo laga wada badiyay, ayna ku sii korortay cabsida ay ka qabaan inay sanadkan hoos ugu dhacaan kooxaha heerka labaad.



Source link

Leave a Reply