Ciyaar walba waa kama dambays oo kale

Xigashada Sawirka, Getty
Kooxda Liverpool oo dadaal muujisay
Milkiilaha kooxda Liverpool, John W Henry, waxaa uu la yaabban yahay dadaalka ay kooxdu ugu jirto qaadista horyaalka sanadkan iyadoo markii hore uu qorshahoodu ahaa inay ka mid noqdaan afarta kooxood ee ugu sarreeya tartanka horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Kooxda Fulham waxaa ku dhacday dharbaaxo halgankii ay ugu jireen inaysan sanadkan hoos uga dhicin kooxaha horyaalka ka dheela kaddib markii ay 3-1 uga badisay kooxda Tottenham.
Ciyaaraha kale waxay kooxuhu waxay u kala badiyeen:
Aston Villa 0-0 Southampton
West Ham 0-1 Crystal Palace
Berrito waxaa iska hor imaanaya kooxaha Everton iyo Manchester United
Norwich City iyo Liverpool
Hull City iyo Arsenal oo iyagu dheelaya ciyaar loogu diyaargaroobayo kulanka kama dambaysta ah ee koobka FA ee dalka Ingiriiska.