Sabti, Nov 28, 2020-Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay


 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda taasi oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fadraalka ah Wasiiro hore Xildhibaano iyo Safiiro.

Ugu horeyn ayaa waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Baarlamaanka Fadraalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Biixi Cige.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay in uu sii amba qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  








Source link

Leave a Reply