Sabti, Nov 28, 2020-Barlamaanka Puntland oo oggolaaday in aanay ka doodin heshiiska dekeda Bosaso


Sabti, November, 28, 2020 (HOL) – Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ogolaaday codsi ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni oo ah in barlamaanka uusan ka doodin heshiiska DP world oo gacanta ku haysa dekeda Bosaso.Maanta ayuu barlamaanku u ballansanaa inuu ka doodo heshiiska DP-world, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada u ololeynayeen in la kansalo heshiiska DP-world maadaama shirkaddu fulin weyday ballamihii lala galay.Madaxweyne Deni oo todobaadkii hore dhamaadkiisa la kulmay barlamaanka ayaa ku qanciyay in aysan ka doodin heshiiska dekeda Bosaso, isagoo u sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee dekadda Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntii cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana u codeeyay 38 xidlhibaan, halka 11 kalena ay  ka aamuseen.

Madaxweyne Deni oo muddo ku dhow bil ku maqnaa dalka Imaaraatka ayaa wararku sheegayaan in halkaas uu kulasoo kulmay madaxda DP–world.





Source link

Leave a Reply