Isniin, Nov 24, 2020-Hoggaamiyaha Tigrayga ” Dhimasho ayaan diyaar u nahay


 

Talaado, November, 24, 2020 IHOL) – Hoggaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael  ayaa ku gacanseyray dalabkii ugu yimid Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo u qabtay 72 saacadood  in ay isku soo dhiibaan.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan u hoggaansimi doonin dalabka uga yimid dhinaca Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, taa badalkeedana diyaar u yihiin in ay dhintaan.

Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in wax ka yar 60 kilomitir  u jiraan Mekele, caasimada Tigreyga ahna xarunta kooxda TPLF, waxaana soconaya madaafiic culus oo ay adeegsanayaa ciidamada si ay ula wareegaan magaalada.

Laakiin dhinaca kale hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa u muuqda kuwo aan u joojineynin hujuumka culus ee uga imanaya dhinaca ciidamada Qaranka Itoobiya.








Source link

Leave a Reply