Isniin, Nov 23, 2020-Human Rights Watch oo dowladda ku dhalleecaysay in ay ka gaabisay baaritaanka shaqaalihii caafimaad ee lagu dilay Golalay
Dhowr goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysnaa – seddex kamid ah ku labisnaayeen dareyska milatariga Soomaaliya, mid kalena uu ku labisnaa dareeska booliska, halka mid kalena uu watay dharka shacabka.
Galabnimadii 28-kii May, dadka deegaanka ayaa helay meydadka howlwadeenada caafimaadka ee la afduubtay.
Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay culeys weyn saarto maxkamadeynta kuwa mas’uulka ka ah si haboonna u magdhawdo qoysaska dhibanayaasha.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka. Kooxda Al-Shabab ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd arintaasi, sidoo kale taliyaha ciidamada xoogga ayaa beeniyay eedaymo hordhac ah oo uga imanayay dadka deegaanka.
Sida laga soo xigtay Macluumaadka ka soo baxay Natiijada amniga Shaqaalaha gargaarka, 14 shaqaale samafal ah, ayaa sanadkaan lagu dilay Soomaaliya.