Sabti, Nov 21, 2020-Maamulka gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay shaqaalaha Shirkadda Korontada Baledweyne
“laga soo bilaabo ilaa sanadkii 2015 Maamul kasto oo lasoo magacaabo gobolka Hiiraan waxuu rabay inuusan bixinin lacagta korontada oo ay si bilash ah ku isticmaalan oo aysan Shirkaddu raali ka aheyn “ayuu yiri madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Dayax Power Supply Xasan C/raxmaan Maxamed (Xasan Happy)
Arintan ayaa kusoo aaday xili uu magaalada Baledweyne ku sugan yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed laguna wado in maalmaha soo socda ay magaalada Baledweyne soo gaaraan madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Mahan markii ugu horeysay oo maamulka gobolka laga jarto korontada ay isticmaalaan lacag ay bixin waayeen darteed waana markii sadaxaad oo sanadkan gudahiisa korontada laga jarayo.