Jimco, Nov 20, 2020-Musharixiinta garabka mucaaradka ee Soomaaliya oo mar kale sheegay in aysan ogoleyn doorasho hal dhinac ah



Musharixiinta garabka mucaaradka ee Soomaaliya oo mar kale sheegay in aysan ogoleyn doorasho hal dhinac ah

 

Jimco, November, 20, 2020 (HOL)-
Saacadihii ugu danbeeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka soo
taggay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada
2020-21, dhinaca kalana ah siyaasiyiin siweyn uga biyo diidan hannaanka ay
dowladdu u maamuleyso doorashada.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka
laakiin hadda ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya Xassan Cali
Kheyre iyo musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta dalka dib ugu soo
laabtay, waxaana horay u sii joogay magaalada musharixiin kale uu ka mid yahay
Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Isku imaantinka musharixiintan oo
horey bayaan ka dhan ah doorashada u soo saaray ayaa u muuqda mid cadaadis
lagu saarayo Dowladda Dhexe Federaalka oo eedeynta ugu
culus ee loo jeedinayo tahay in ay waddo qorshe ay ku musuqmaasuqeyso doorashada.

Daahir Maxamuud Geelle oo
taageerayaashiisa la hadlayay ayaa sheegay in marka musharixiinta oo dhan ku soo dhameystirmaan magaalada  Muqdisho soo saari doonaan bayaan la xiriira
qaabka ay ka rabaan in ay u dhacdo doorashada dalka, isaga oo dhinaca kale
sheegay in aysan raali ka aheyn isku goodin iyo caburin siyaasadeed oo uu ku
eedeeyay dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.

Xassan Cali Kheyre oo meel fagaaro ah kula hadlayay
taageerayaashiisa ayaa yiri ‘’Haddii aan lagu
heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan lagu heshiin-maayo
dowladnimada.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo
intooda badan isku aragti ka ah mowqifka ka dhanka ah doorashada iyo guddiyada ay dowladdu u magacaawday ayaa siyaabo
kala duwan uga hadlay arintan, iyaga oo sheegay in madaxweyne Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ka weecday dhabihii sharciga waxaana ay ka digeen in dalka
la galiyo qalaalase iyo fowdo siyaasadeed.

Laakiin dhinaca mas’uuliyiinta dowladda
marka la eego iyagu ma qabaan dareenka ay muujiyaan siyaasiyiinta mucaaradka
ku ah, taa badalkeedana waxaa ay ku adkeysanayaa in ay dalka ku hoggaamin
doonaan doorasho daah furan oo si xalaal ah u dhacda.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen
Rooble ayaa kol sheegay in saaxiibada mucaaradka looga baahan yahay in ay is
dajiyaan kuna kalsoonaadaan xukuuumada, waxaana uu meesha ka saaray in ay
qorsheynayaan boob lagu sameeyo doorashada.

Inkastoo Ra’iisal Wasaare Rooble
uu kulan la qaatay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada islamarkaana uu
howlgaliyay haddana waxaa wali maqan guddiyadii heer dowlad gobolleed ee
maamulada Jubbaland iyo Puntland oo aan wali dhankooda soo magacaabin xubnihii
laga sugayay, waxaana muuqata in labadan maamul laftirkooda walwal ka qabaan
habka loo maamulayo doorashada.

Beesha caalamka wali si faah
faahin ugama aysan hadalin mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka taaggan sida loo
wajahayo doorashada sanadka 2021 oo ah mid xasaasi ah siweynna dadweynaha
Soomaaliyeed isha ugu hayaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     








Source link

Leave a Reply