Isniin, Nov 20, 2020-Wasiir Duraan oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka degmada Galdogob



Wasiir Duraan oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka degmada Galdogob

galeryj

Jimco,November,20,2020
(HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,
Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee
gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

 

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga
uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta
deegaanka  iyo xoojinta shirarkii dib u
heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka
ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim
tahay waji saddexaad ee shirkaa.

 

Odayaasha
Dhaqanka ayaa Wasiirka  uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid
degmada Galdogob iyo wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan
ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in
uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

 

Wasiirka Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka
uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan
deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib
u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

 

Wasiir Duraan, ayaa ku
boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta
iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay 
in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo
adkeynta ammaanka.

 

Kulanka
uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa
waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha
deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

 

Iman Jama, Hiiraan online

[email protected]








Source link

Leave a Reply