Arbaco, Nov 18, 2020-Dad rayid ah oo ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM kaddib qarax lala eegtay



Dad rayid ah oo ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM kaddib qarax lala eegtay

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-  Ugu yaraan saddex ruux oo rayid ah ayaa lagu waramayaa dhinteen kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan AMISOM, kaddib markii qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada.

Ciidamada ayaa lagu waramayaa in qarax lagula eegtay gudaha degmada Karaan iyaga oo intaa kaddibna furay rasaas haleeshay dad rayid ah goobta ka agdhawaa.

Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xiray isku socodka agagaarka qaraxa lagula eegtay lamana oga khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray qaraxa.

Dadka rayidka ahaa inta badan dhibaato xooggan kala kulma qaraxyada lala eegto gaadiidka ay la socdaan ciidamada oo qaraxa kaddib ku jawaaba rasaas culus oo sababta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   








Source link

Leave a Reply