Isniin, Nov 16, 2020-Dooni kalluumaysi oo kusoo caariday xeebaha Puntland


Isniin, November, 16, 2020 (HOL) – Dooni kalluumeysi oo ay lahaayeen ganacsatada Puntland kasoo jeeda, ayaa ku caariday xeebta degaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.Doonta ayaa ka soo ambabaxday Yemen waxayna ku sii jeeday Warshaddii Kalluunka ee Xaafuun halkaas oo ay ka raran lahayd  kalluun gasacadeysan oo loo dhoofiyo Koonfurta Yemen.Cilad farsamo oo ku dhacday matoorka doonta ayaa ka dhigtay in doonidu kusoo xaarido xeebta.

Shaqaale u dhashay Yemen ah oo saarnaa doonida ayaa bad qaba, maamulka degmada Gumbuh ayaa sidaas yidhi.





Source link

Leave a Reply