Isniin, Nov 9 , 2020-Tigreyga oo dalbanaya xabad joojin iyo la soo afjaro xasarrada taagan


 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) – Madaxweynaha maamulka
Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in
lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si
xiisadda loo dejiyo.

Baaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada
dhinacyada isku haya colaada dalka Itoobiya”Madaxweynaha ayaa midowga Africa ka dalbaday inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka
looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

‘’Waxaan
ku baaqayaa Ia qabto wadahadal lagu
joojinayo dagaalka, ayuu yiri Debretsion Gebremichael sida ay ku warrantay
wakaaladda wararka ee Reuters.

Si
kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u
aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha
Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga
lahaa howlgalka.

Dhawaan
ayeey aheyd markii QM ay soo saartay digniin ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigray, waxaana
sheegtay in 9 malyan qof ay halis ugu
jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray
gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
   








Source link

Leave a Reply