Jimco, Nov 6 , 2020-Galmudug oo qaadeysa howlgal ka dhan ah Al-shabaab
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay halkaa ka waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgal saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka oo ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamula qeybo ka mid ah gobolka Galguduud iyo Mudug, waxaana howlgalkan la sheegay in uu salka ku hayo sidii deegaannadaa looga saari lahaa Al-shabaab.
Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallo beelleedyada ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Galguduud iyo dilalka la xiriira aanooyinka Qabiil.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
11/6/2020 1:37 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) – Wali waxaa ka socdo qaar ka mid ah gobollada Mareykanka tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee 3-dii bishaan November, ka dhacday Ameerika. Taasoo ay ku loolamayaan madaxweynaha mudo xileedkiisu uu dhammaaday Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, matalaayana Xisbiga Dimuqraadiga.
11/6/2020 12:07 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) – Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay, iyadoo hadda laga cabsi qabo in ay Itoobiya gasho dagaal sokeeye.