Isniin, Nov 5 , 2020-Qarax Muqdisho lagula eegtay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya
Qarax Muqdisho lagula eegtay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay gaadiid uu la socday Wasiirka cusub ee Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.
Qaraxan oo gaar ahaan ka dhacay KM4 ayaa la sheegay in uu dhacay wax yar uun kaddib markii ay gudbeen gaadiidkii uu la socday Wasiirka lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan.
Muqdisho inta badan waxaa ka dhacay qaraxyada lala eegto mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha kale ee ciidamada, waxaana inta badan sheegta xarrakada Al-shabaab.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]