Arbaco, Oct 28, 2020-Gudoomiyaha gobolka Sool oo ka hadlay sababta loo masaafuriyey Abuukar Qaad-diid


10/28/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020

Gudoomiyaha gobolka Sool oo ka hadlay sababta loo masaafuriyey Abuukar Qaad-diid

 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) – Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa sheegay in Qaad-diid uu sifo qaldan ku soo galay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Gudoomiyaha oo war saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Qaadiid isagoo sheegay in uu doonayey inuu shirar ku qabto magaalada isagoo aan ogolaansho u haysan.

“Waxaan ahay masuulka ugu sareeya gobolka wax xog ah oo aan ka hayey imaanshihiisa ma jirin, mida kale socodkiisu kama madhnayn siyaasad, dhowaan waxaa uu amaanayey Farmaajo, shalayna Cabdiweliga Puntland, nimankaana kala mabda baan nahay” ayuu yidhi Jiidhe waxaanu meesha ka saaray in wax ogolaansho ah uu soo weydiistey maamul ahaan.

Hadalka gudoomiyaha ayaa yimi markii ciidanka Boolisku ay magaalada Laascaanood ka masaafuriyeen Abuukar Qaad-diid taas oo baraha bulshada si aad ah loogu hadal hayo.




Click here

10/28/2020 3:58 AM EST

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay khatar ku jirto nolosha kumannaan carruur ah oo u dhashay dalka Yemen, sababo la xiriira nafaqo-darro aad u daran oo ku heysata qeybo ka mid ah koofurta Yemen.


10/28/2020 2:28 AM EST

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) – Mudanayaasha Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabelle ayaa goordhaw looga yeeray xarunta guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle si loo siiyo aqoonsiyo isla markaana loo dhaariyo si ay waajibaadkooda shaqo u guda galaan.


10/28/2020 1:37 AM EST

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda dalka JarmalkaHeiko Maas ayaa guddoonsiiyay abaalmarinta Africa Prize ee sanadkiiba mar Jarmalku bixiyo Ilwad Elman oo ah gabar Soomaali dhalinyarro ah oo u dhaqdhaqaaqda Arrimaha bulshada.





Source link

Leave a Reply