Isniin, Oct 26, 2020-Dabley toogasho ku dishay maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo


 

Isniin, October, 26, 2020
(HOL)- Wararka naga soo gaaraya
magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in rag
hubeysan toogasho ku dileen maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi
Cabdisalaan Shigshigow.

Mas’uulkan ayaa la dilay xili uu
ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda
Duhur sida ay HOL u xaqiijiyeen  Ilo xog-ogaal ah.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, halkaa oo ay ka
bilaabeen baaritaanno la xiriira dadka toogashadan geystay, mana jirto cid sheegatay dilkan in ay ka danbeysay ama ay u qabteen ciidamada amaanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
    

 








Source link

Leave a Reply