Isniin, Oct 23, 2020-Mareykanka oo ansixiyay dawo cusub oo lagu dabiibayo dadka qaba cudurka Covid-19


 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)-
Dowladda Mareykanka ayaa meel marisay islamarkaana ogolaatay in bukaannada la
siiyo dawo la sheegay in lagu dabiibayo dadka qaba cudurka Covid-19, inkastoo
haddana marka dhinaca kale la eego hay’adda caafimaadka dunida ay dhaliishay
waxtarka dawadan.

Hay’ad u qaabilsan dhinaca
dawooyinka ayaa sheegtay in ay fasaxeen in dawadan oo lagu magacaabo Remdesivir
la siin karo dadka xanuunkan u jiifa isbitaalada dalka Mareykanka.

Hay’adda (FDA) oo dalka
Mareykanka ugu qaabilsan cunada iyo dawooyinka ayaa sheegay in ay dawadan noqon
doonto tii ugu horeysay oo loo isticmaalo ama la siiyo dadka qaba cudurkan
safmarka ah ee Covid-19ka.

Balse WHO ayaa ku dooday in dawadan waxba ka tari doonin khatarta cudurkan, wallow
la sheegay oo kaliya in ay muddo shan maalmood ah ka soo yareyn karto waqtiga
soo kabashada bukaanka.

Dawadan ayaa horay waxaa loo siiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib
markii laga helay cudurka Covid-19, waxaana la sheegay in uu ku bogsaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 








Source link

Leave a Reply