Azerbaijan iyo Armenia oo xabbad joojin ku heshiiyay
Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.
Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia
Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.
Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo.