Arbaco, Oct 14, 2020-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab


Arbaco, October 14, 2020 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha aan weli ku dhawaaqin xukuumaddiisa ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu markii ugu horreysay ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilli uu ka qeyb-galayay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka qaranka ee loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii seddex sano ka hor ka dhacay Isgoyska soobbe ee magaalada Muqdisho.“Al-shabaab waxay la yimaadeen istiraatiijiyad dagaal oo dadka lagu dhibaateeyo, dowladdana waxaa loo baahanyahay iney la timaado istiraatiijiyad kale oo dadka lagu badbaadinayo” ayuu Rooble u sheegay dad badan oo munaasabadda joogay.Waxa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay si looga hortago qaraxyada gawaarida loo adeegsado, waa in la sameeyaa qorshe fog ayuu yiri.

“Al-shabaab gawaari ay dad walaalo ah ka qaateen , ayey ku fuliyaan qaraxyada, waa in aan ogaanno dadka gawaarida laga qaatay” ayuu mar kale hadalkiisa ku sheegay.

Waa markii ugu horreysay uu ku dhawaaqo dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo horay sidaan oo kale ay ugu dhawaaqeen ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay.

Hase-ahaatee Rooble ayaa hadalkaan u sheegay boqollaalkii qof ee daawanayay, waxaana horyaalla xukuumaddiisa shaqo adag ee uu ammaanka ugu horreeyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply