Talaado, Oct 13, 2020-Maxkamada ciidamada Jubbaland oo xukun dil ah ku riday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii hotel Cascasey


Talaado, October 13, 2020 (HOL) – Deeqow Caliyow Kuusoow oo katirsanaa Alshabab ayaa maanta lagu xukumay xukun dil toogasho ah oo uu ku mutaysatay kaalintii uu ka qaatay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu dilay 26 qof oo u badnaa.Ciidamada amniga Jubbaland ayaa ku guulaystay inay ninkan gacanta ku dhigaan isagoo nool oo dagalamaya. Balse dhaawac kasoo gaaray rasaasta ciidamada ayaa qaadatay muddo in xaaladdiisa caafimaad lala tacaalo ka hor inta aan sharciga la horkeenin.Deeqow, waxa uu kamid ahaa afar dagaalame oo gudaha u galay hotelka ismarkaana waxaa xeer ilaalinta maxkamadu sheegtay in uu gacantiisa ku toogtay illaa 10 qof oo shacab ah inkastoo isagu uu qirtay afar ruux oo kaliya.

Maxkamada oo siisay fursad uu isku difaaco, ayuu sheegay inuu labo sano katirsanaa Alshabab islamarkaana lagu qalday dhalinyaronimo loona sheegay dadka uu weerarka kusoo qaaday inay yihiin gaallo cadow ku ah islaamka.

Garsooraha maxkamada ciidamada qalabka sida Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dambiilaha loo qisaasidoono dadkii uu laayay, waxayna maxkamada u oggolaatay inuu racfaan ka qaadan karo xukunkiisa.

Weerarkii hotel Cascasey waxaa lagu xasuustaa dadkii lagu dilay inay kamid ahayd saxafiyadii caanka ahayd Hodan Naaleeye iyo seygeeda Farriid Jaamac.





Source link

Leave a Reply