Sabti, Oct 10, 2020-Booliiska Baledweyne oo gubay maandooriye ay gacanta kuso dhigeen
Waxaa sidoo kale goobta maandooriyaha lagu gubayay ku sugnaa masuuliyiin ay ka mid ahayeen guddoomiyaha Maxkamada rayidka ee gobolka Hiiraan C/raxiin Muxumed Taakooy iyo duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin.
Guddoomiyaha Maxkamada rayidka C/raxiin Taakooy oo goobta k hadlayay ayaa si weyn ugu amaanay ciidamada Booliska shaqada wanaagsan ay qabteen loona baahan yahay iney halkeeda kasii wadaan howlgalada lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya wuxuuna sheegay in sharciga ay soo taagi doonaan shaqsigii lagu soo qabtay qamriga iyo cidii kale ee lagu qabta wax yaabahan oo kale ayuu yiri”Taakooy”
Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin oo iyana goobta maandooriyaha lagu gubayay ka hadashay ayaa ugu baaqday ciidamada Booliska Baledweyne iney sii laba jibaaraan howlgalada looga hortagayo waxyaabaha maanka dooriya oo mudooyinkii dambe aad ugu soo badanayay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.