Jimco, Oct 9 , 2020-Saraakiisha ciidamada xoogga iyo AMISOM oo isku raacay dar-dar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab


Jimco, October 9, 2020 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya SNA iyo kuwa midowga Afrika ee howl-galka nabad-gelyo u jooga dalka ee AMISOM ayaa isku raacay howl-gal ballaaran oo ka dhan ah ururka Al-shabaab. Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya iyo taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Cabbaas Amiin Cali ayaa isku raacay in kor loo qaado dagaallada ka dhanka Al-shabaab , sidoo kale la ballaariyo iskaashiga labada dhinac ee AMISOM iyo ciidamada dowladda. Mr. Ndegeya iyo taliye Cabbaas Amiin ayaa isku raacay in la dhiso unug gaar ah oo shaqadan isku wada,  taas oo sida hadalka loo dhigay loo arkay iney leedahay muhiimad gooni ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dagaal kula jiraan Al-shabaab,  waxayna horay ula wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay horay Al-shabaab u maamulayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply