Khamiis, Oct 8 , 2020-Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaano muhiim u ah iyo Al-shabaab oo dib u qabsaday


10/8/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020

Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaano muhiim u ah iyo Al-shabaab oo dib u qabsaday

 
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya deegaanadda Basra iyo Deniga oo dhaca dhinaca Galbeed ee degmada Balcad ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana dib u qabsaday deegaankaasi dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faarujiyay deegaano dhowr ah sida Basra, Daniga, Baalow, Buulo kuunto, Walamoy iyo deegaano kale.Ciidamada maanta isaga soo baxay deegaanadaas ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgalo waxay ka wadeen deegaanadda dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah oo hore weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ahba ku soo qaadayay degmada Balcad iyo deegaano hoosyimaada waxaana iminka cabsi xoogan lasoo darastay dadka ku nool magaalada Balcad.




Click here

10/8/2020 7:40 AM EST

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaarado loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay ka geysteen tuulooyin hoos taga Gobolka Gedo oo sababay dhimasho iyo dhaawac .


10/8/2020 7:33 AM EST

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) – Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida.


10/8/2020 4:57 AM EST

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) – Ilwad Elman oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda Nabadda ayaa markii labaad kamid noqotay dadka u sharraxan abaalmarinta nabada adduunka ee Nobel Peace Prize, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Nabadda (PRIO) ee fadhiggiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norway.


10/8/2020 1:34 AM EST

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya laguna haystay sanad iyo badh gudaha Soomaaliya, sida lagasoo xigtay saraakiil.





Source link

Leave a Reply