Isniin, Oct 5 , 2020-Ciidanka NISA oo Kismaayo kusoo bandhigay saddex dhalinyaro oo katirsan Al-shabaab


10/5/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020

Ciidanka NISA oo Kismaayo kusoo bandhigay saddex dhalinyaro oo katirsan Al-shabaab

 
Isniin, October 5, 2020 (HOL) – Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland gacanta ku dhigay saddex dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah kawaday magaalada Kismaayo.NISA waxay sheegtay inay raggan ka dambeeyeen falal amni darro oo ka dhacay gudaha magaalada iyagaoo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka sida uu sheegay taliska.“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri Warkan.

Midkamid ah Saddexda dhalinyarada oo kasoo muuqday warbaahinta ku hadasha afkaJubbaland ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo oo dhawaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilaygudoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland shaafi raabi kaahin, ayaa waxaa socdaybaaritaan ku aadan soo qabashada dadkii falkaas ka dambeeyay.




Click here

10/5/2020 1:31 AM EST

Isniin, October 5, 2020 (HOL) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Isaias Afwerki iyo Mohammed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadahadal balaaran ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada.


10/5/2020 1:27 AM EST

Isniin, October 5, 2020 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Dalka Kuwait.





Source link

Leave a Reply