Isniin, Oct 2 , 2020-Saciid Deni “Waxaa soo dilaaday walaacii laga qabay doorashada dalka”

Jimco, October 2, 2020 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay inuu dhammaaday walaacii laga qabay doorashada Soomaaliya, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo diyaar garoobo, in hadda loo diyaar garoobayo sidii loo aadi lahaa.
Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagusoo bandhigay jadwalka doorashada xildhibaannada labada Aqal iyo hab raac kale oo la xiriira sidii loo xallin lahaa khlaafyada yimaada .
madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada magaalada Muqdisho, waxa uuna qeyb ka ahaa madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee ka arrinsanayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.