Talaado, Sept 29, 2020-Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada


Talaado, September 29, 2020 (HOL) – Madaxweyne Farmaajo ayaa  kulan kale isugu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshiiskii doorashada.Kulankan waxaa sidoo kale uu ku saabsan yahay sameynta guddiga isku dhafka ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.Madaxweyne Farmaajo ayaa kala tashanaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada magacaabida guddiga doorashooyinka iyo xubnaha uga qeyb galaya guddigaas dowlad goboleedyada.

Wada hadalkaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah shaacinta jadwalka doorashada dhacayso.

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaadanaya kulankaan.





Source link

Leave a Reply