Jimco, Sept 25, 2020-IMF oo war kasoo saartay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya


Jimco, September 25, 2020 (HOL) – Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa waxaa looga hadlay kulamo looga hadlayay arrimaha deyn cafinta iyo dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii qorshooyinka horyaalla ay u fulin laheyd.Waxaa lagu sheegay kulamo dhacay September 12—22, 2020,dii ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta hay’addaan la yeesheen madax ka tirsan Golaha wasiirrada ee xilka sida gaarsiinta ah u jooga iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya .Kooxdaan khuburada ah oo ka socotay hay’adda IMF ayaa waxaa hor kacayay Allison Holland, iyadoo warbixinta ay soo saartay ku amaantay sida Soomaaliya oo hadda mareysa marxalado ay sabab u yihii xaalado dabiici ah ay uga go’antahay iney gaarto yoolka la tiigsanayo si deynta looga cafiyo.

”Iyadoo dalka uu wajahayay dhibaatooyinkii COVID-19, hirar Ayax ah oo kacay oo sababay xaalado Bani aadanimo , haddana waxaa muuqata adkeysi iyo in canshuur dhaaf ay dowladda sameysay” ayey Holland ku tiri warixinta ay soo saartay.

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jiho qurux badan, si looga dhaafo deynta.

Sanadihii ugu dembeeyay Soomaaliya waxay laheyd hiigsiyo hor-yaalla si deynta looga cafiyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply